Khadka telefoonka ee 116 006 waa telefoonka ay soo wici karaan dhamaan dadka dhibaatooyinka iyo tacaddiyada kala kulma dadka ugu dhow-dhow.
Xarunta dadka dhibaatooyinka/tacaddiyada loo gaysto(VO-linjen) waxaanu ka kooban nahay dad badan oo shaqadooda ku guubaabsan, xirfad fiicanna u leh oo jecel in ay ku caawiyaan. Waqtigaad rabto ayaad na soo wici kartaa 24ka saac, Waanu kaa dhegaysanaynaa wixii aad ka cabanayso, waana isku dayaynaa in aanu kaa caawinno oo kaaga jawaabno wixii su´aalo aad qabto, waxaanu bixinnaa taloooyin iyo tusaalayn. VO-linjen Waxaa kale oo lagula soo xiriiri karaa khadka internetka ee chatting-ka. Telefoonka iyo chatting-ka labaduba waa hab qarsoodi ah oo aan laga aqoonsan karin qofka soo wacaya, waana bilaash.
Telefoonku waa: 116 006

Khadka Chatting-ka aad nalaga soo xiriiraysaa waa: volinjen.no
Wadahadallada aanu dadka nala soo xiriira la yeelano waxay ku baxaan norwiiji ama ingiriisi. Haddii aanad ku hadlin labadan luuqadood, waxaad soo kaxaysan kartaa qof norwiijiga ama ingiriisiga yaqaan.

Waxaad kaloo toos ula xiriiri kartaa xarunta dadka dhihaatooyinka loo gaysto(krisesenter) ee ku taal meesha aad deggan tahay. Halkan ayaad ka helaysaa meelaha ay xarumahani ku kala yaalliin. Booliska, xarumaha dadka dhibaatooyinka loo gaysto(krisesentre) iyo hay´adaha kale ee caawimooyinka bixiyaa waxay haddii loo baahdo dadka u qabtaan turjumaan

Waa maxay (vold), dhib ama waxyeello? Waxaynu vold-ka u kala saari karnaa dhowr nooc, sida

Garaacid ama dagaal gacan-ka-hadal
Waa nooc kasta oo dhib ama waxyeello naftaada/jidhkaaga toos loogu gaysto: sida –laadka, timo jiidka, qaniinyada, aad u qabashada/gacmo ku xejinta, gilgilista, riixista, qoor sagaaraynta. Waxaa iyana fysisk vold ah qol ama guri ku xannibista.
Bahdilid/Waxyeello maskaxeed
Waa dhib/waxyeello nooc kasta oo qofka loo gaysto mooral ahaan ama niyad ahaan: Sida in qofka hadal iyo cod loogu hanjabto, dhaawaco, meel ka dhac loogu sameeyo ama lagu kontoroolo. Waxaa kale oo ka mid ah psykisk vold bilaa macne ka soo qaadka dadka kale iyo in loola macaamili si qiime jab ama raqiis ah: Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa in qofka lagu yiraa: “waan ku dilayaa/naftaan kaa qaadayaa”, “bilaa macne ayaad tahayd”, “waad foolxuntay ama buurantay oo cidi kuma jirto”.
Dhibaatayn/Waxyeello qarsoon
Waa «dhib/waxyeello dadban». Sida cabsi joogto ah oo qofku ka qabo in dhib lagu sameeyo iyo goorta lagu samayn doono. Taasi waxay sida badan ka dhigtaa qofka cabsanaya in uu u dhaqmo hab mar kasta raalli gelinaya qofka uu ka cabsanayaa si aanu ugu xanaaqin.
U xoogsheegasho muujin
Waa nooc kasta oo waxyeello/kharribaad hanti ama alaabooyin ah, taasoo waxyeello ama cabsi gelinaysa qof kale, waxaa ka mida in albaab laad/harraati lagu furo, miis gacanta xoog loogu garaaco, ama alaabo kale oo la jejebiyo ama la googooyo.
Xoogis/iskuday xoogis
Waa nooc kasta oo faraxumayn qof loo gaysto ah, sida in qofku taabto ama isku dayo in uu xubin jidhkiisa ka mida gaadhsiiyo qof kale isagoon raalli laga ahayn. Tani waxay noqon kartaa taabasho aad qof kale taabato, salaaxdo, ula dhaqanto sidii qof galmo ka doonaya, u galmooto, iyo kufsiga. Waxaa kale oo Seksuell vold ka mid noqon kara in aad qofka kula hadasho hadallo aad galmo uga dan leedahay, in aad sawirro ka qaaddo, fiidyo ka duubto, fiiffiiriso jidhkiisa, tusto/daawadsiiso waxyaalo galmo ku saabsan.
U xoogsheegasso muujin dhaqaale
Waa marka uu qofku rabo in uu kontoroolo dhaqaalaha qof ama dad kale, sida marka labada qof ee nolol wadaagga ah uu midkood kan kale u diido in uu maamulo dhaqaalaha ka dhexeeya iyo ka u gaarka ahba, tusaale, sida haddii qof kale uu saxeexaaga beenbuuro si uu dayn ugu qaato.
Waxyeellayn hab dhigitaal
Waa marka uu qofku mobiilka, internetka iyo baraha bulshada dad ama qof kale uga hanjabo, ku dhibaateeyo, ku waardiyeeyo ama si kale ugu kontoroolo. Digital vold: Waxa kale oo ay noqon kartaa in aad sawirro ama fiidyow qof kale ka faafiso isagoon ka raalli ahayn. Digital vold waxaa kale oo ka mid ah faraxumaynta laysaga gaysto xagga internetka.
Ma tahay qof dadka ugu dhow-dhowi ay dhib/waxyeello u gaystaan ama u gaysteen?

Ma tahay qof loogu hanjabo garaacis/waxyeello ama dhibaato kale?

Ma dareemaysaa in aanad amaan guriga si fiican ugu haysan?

Ma dareemaysaa in xaaladda gurigu aanay habboonayn ama sidii la rabay ahayn?
Haddii ay sidaa tahay, keli kuma tihid! La soo xiriir khadka dadka dhibka- iyo xadgudubyada loo gaysto (VO-linjen)

Meelaha kale ee caawimooyinka aad ka heli karto

Xarunta la yiraa jidka kuu furan (Din Utvei)
www.dinutvei.no

Xarunta dadka dhibaatooyinka iyo xadgudubyada loo gaysto(Krisesentersekretariatet)
www.krisesenter.com

Xarunta ROSA – hjelp ee caawisa dadka lagu hayo dad ka ganacsiga
www.rosa-help.no